02 28 2015
Headline

Xukuumadda Soomaaliya oo Sheegtay inay Beelihii Ku Dagaalamay Shabeelaha Hoose Shir ugu Qabaneyso Muqdisho

asXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ay shir ugu qabaneyso magaalada Muqdisho si looga heshiiyo dhibaatadii dhexmartay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdullaahi Goodax Barre oo guddoomiye u ah guddi raysal wasaaruhu u saaray xallinta khilaafaadka gobolka Shabeelaha Hoose ka taagan, ayaa wuxuu cadeeyay in dhowaan magaalada Muqdisho ay isugu keeni doonaan odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda labada beelood ee colaadii u dambeysay ay ku dhexmartay deegaanada KM 50, Marka, Shalanbood iyo Ceel-Wareegow.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar ku tagay deegaanadii lagu dagaalamay toddobaadkii hore iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida iyo booliska la geeyay qaar ka mid ah meelihii ay ku dagaalameen maleeshiyaadka beelaha.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha ay dagaaladu dhexmareen ayaa la sheegayaa inay bilaaben inay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirkan dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale xildhibaano ka tirsan labada beelood ayaa iyaguna sheegay inay ka qeybqaadanayaan shirkan lagu xallinayo colaada ka taagan gobolka ugu qanisan gobollada koonfuta dalka ee Shabeelaha Hoose oo dadkii beeraleyda ahaa colaada darteed ay beerahooda iyo deegaanadooda uga barakeceen kadib markii dhowaan maleeshiyaad hubeysan ay ku dul dagaalameen dadka rayidka ah.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment