02 27 2015
Headline

Horyaalka kubadda cagta gobollada Puntland oo Garoowe ka furmay

footballGoroonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe waxaa shaley si rasmi ah ugu furmey horyaalka kubadda cagta gobollada Puntland oo ay ka qeyb-galayan kooxo matalaya dhammaanba gobollada Puntalnd.

Tartanka oo furmey shaley munaasabad kooban oo loo qabtey,waxaa ka qeyb-galy mas’uuliyin ka socotey dowladda Puntland,waxaana daahfurey madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Camey.

Ciyaartii ugu horeysay ee shalay waxaa lagu furay labada kooxood ee Nugaal iyo Haylaan kuwaasi oo la yimid midkiiba gool waxayna ciyaarta ku dhamaat

Ciyaartoyda u ciyaareysey labada kooxod waxaa ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, waxaana gool ku hormaray Xulka Nugaal inkastoo daqiiqado kaddib ay Xulka Haylaan iyaguna goolkii barbar-dhaca ahaa la yimaadeen.

Daawashada ciyaarta waxaa ka soo qeyb-galey boqollaal dadweynaha ah kuwaaso kala taageerayey kooxaha ciyaarayey.

Waxaa maanta oo Arbaca ah dhici doona labo ciyaarood oo ay isku arki doonaan xulalka: Bari Vs Sool iyo Mudug vs Cayn.

Horyaalka kubadda cagta gobollada Puntland,waxaa ka qeyb-galaya 9-ka gobal ee Puntland kuwaasi oo kala ah:

Group A:
1- Gardafuul
2- Haylaan
3- Karkaar
4- Nugaal
5- Sanaag

Group B:
1- Bari
2- Cayn
3- Mudug
4- Sool

ay barbardhac 1-1.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment