Ra’isal Wasaare Saacid oo markale Maanta Kulan la qaadanaya Hoggaamiyaha Raaskaambooni
Ra’isal Wasaare saacid iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ee Ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Maanta markale Lagu wadaa in halkaasi ay kulan kula qaataan Saraakiisha Maleeshiyaadka Raaskaambooni.
Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Xubno Ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo ku wehliya Safarkiisa Kismaayo ayaa Maanta waxa ay markale Hoteelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo ay kulan kula qaadanayaan Xubno Ka socda Ururka Raaskaambooni oo uu Horkacayo Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe ) Kadib markii shalay Gelinkii dambe is afgaran waa uu ku dhamaaday Kadib shir ay ku yeesheen hoteelkaasi.
Dad Goob Joogayaal ah oo Ku sugan Magaalada Kismaayo islamarkaana qaarkood ka qayb galaya Shirka ayaa Shabelle u sheegay in shirkaan Maanta Markale la isugu soo laabanayo islamarkaana Labada dhinac ay diiradda Saarayaan qodobka ku aadan Maamul U sameynta Jubbooyinka.
Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Raaskaambooni ayaa shalay isku qilaafay arrinta Maamul U sameynta Jubbooyinka iyadoona shalay kulankii ay yeesheen markii uu is mari waa ugu soo gaba gaboobay Maalinta birito ah oo Maanta Ku beegan lagu ballamay in la isugu soo Laabto.
Lama Oga Shirkaan waxa ka soo bixi doono haddii uu noqon doono mid mira dhal ah oo U jeedkii Laga lahaa Laga gaaro ama sidii shalay ismari waa uu ku soo idlaan doono.
Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay shirkii shalay Guul Darada ku soo dhamaaday ee Ka dhacay Kismaayo.
Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid saameyntiisa leh islamarkaana dowladda Soomaaliya Looga Baahanyahay in Maamullo KMG ah ay u Magacaawdo Gobolladaasi Jubbooyinka.