Maxaabiis Soomaaliyeed oo Ku Geeriyootay Xabsi ku yaalla Liibiya
Sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen Maxaabiis Ku dhawaad 300 oo Tahriibiyaal Soomaali ah oo Ku Jira Xabsi Ku yaalla Dalka Liibiya waxaa halkaasi Ku Geeriyooday illaa 3 ka mid ahayd Maxaabiistii Xabsigaasi halka Tira kalana Xaalad liidata ay kula ildaranyihiin Xabsigaasi oo Ku yaallada Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.
Maxaabiistaan ayaa waxaa La sheegay in qaar ka Mid ah La sii daayay halka Kuwa kale Xabsiga Ku Jira dhibaatooyin Xoogan ay soo Food saartay kuwaasi oo baaq u Diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maxaabiistaan qaarkood oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkaan Meesha ku Jiraa ay isuga Jiraan Rag iyo dumar islamarkaana dumarka qaar ee Xabsiga ku Jira ay halkaasi ku dhaleen.
Haweeney Lagu Magacaabo Hodan Cige Max’ud oo Ka mid ah Maxaabiista halkaasi ku jirta ayaa Shabelle U sheegtay in dhibaatada dhanka Nolosha ah ee halkaasi ka taagan ay tahay mid aad u halis ah Madaxweynaha Soomaaliyana looga Baahanyahay in uu soo Fara Geliyo ,dowladda Liibiyana uu kala hadlo dhibaatooyinka heysta Soomaalida Xabsiyadeeda ku jira.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo ka qayb galay kulanka Jaamacadda Carabta ee Magaalada Dooxa ayaa kulan Gaar ah oo uu La qaatay Ra’isal Wasaaraha dalka Liibiya waxa uu kala hadlay dhibaatooyinka Soomaalida ku heysata Dalkaasi Liibiya Gaar ahaan Kuwa ku Jira Xabsiyada dalkaasi islamarkaana waxa uu ugu baaqay in dowladda Liibiya ay sii Deyso Maxaabiistaasi.