03 03 2015
Headline

Wafti ka socda IGAD iyo dowladda faderaalka oo Kismaayo gaaray

jjMagaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose,waxaa maanta gaaray wafti isagu jira mas’uuliyin dowladda ka socda iyo madax kale oo IGAD ka tirsan.

Waftiga Kismaayo gaaray,waxaa hor socday wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey,waxaana siweyn loogu soo dhaweyey magaalada Kismaayo.

Garooka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa kulan albaabadu u labnaayen ku qaatay waftiga IGAD iyo dowladda ka socday iyo madaxda maamulka odoyaasha dhaqanka iyo madax ka tirsan AMISOM.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa kulanka kaddib u sheegay warbaahinta in wafdiga ay ka wada hadleen sidii IGAD ay maamulka gacan uga siin lahey dhismaha ciidammada, nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo xafiis IGAD ay ka furato Kismaayo.

Wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa isna dhankiisa saxaafadda u sheegay in kulankooda uu la xiriiray sidii looga wada-hadli laha heshiisyadii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala sixiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, dardar gelinta arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo weliba dhamestirka golaha baarlamanka ee uu yeelan doono maamul goboleedka Jubba.

 

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment