Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Jabuuti qalab ay u Keentay Dekedda Muqdisho
Dowladda Federaala Soomaaliya ayaa sheegtay in qalab Caalami ah Dowladda Jabuuti ay u Keentay Dekadda Muqdisho.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Dekadaha Muxuyidiin Max’ed Kaalmooy oo Warfidiyeenada Lahadlay ayaa waxa uu sheegay in ay deeq qalab ah Soomaaliya ay ka heshay Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kaalmooy ayaa waxa uu tilmaamay in Dowladda Jabuuti ay ugu deeqday Taagaga lagu soo Jiido Maraakiibta kuwaasi oo sida uu sheegay wax weyn ka bedeli doona Howlaha Dekedda Muqdisho.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in qalabkaasi haatan uu Ku Maqanyahay Maareeyaha Dekedda Muqdisho Dhawaanna La filayo in qalabkaasi ay soo Gaaraan Muqdisho.
Kaalmooy ayaa Geesta Kale waxa uu sheegay in qalabkaasi ay Fududeyn doonaan Howlo Badan oo Culees u Muuqday qabashadooda.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Dekadaha Muxuyidiin Max’ed Kaalmooy ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo beegmayaa Xilli Wasaaraddiisu ay sheegtay in ay u Baahantahay Dekedda Muqdisho in wax Laga qabto Caqabadaha Ka hortaagan Habsami u socodka howlaheeda.