03 05 2015
Headline

Macallin Kenya u dhashay oo caawa Gaalkacyo lugu dilay

deg degKooxo hubaysan ayaa goordhaweyd waxaa ay dil u geysteen macallin wax ka dhiga machadka ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxaana macallinkaan uu u dhashay dalka Kenya.

Dad goobta ku dhawaa ayaa  u sheegay allgalad in labo nin oo dhallinyaro ah inay dileen macallinka Kenya u dhashey,waxuuna macallinku horfadhiyey macadka hortiisa.

Macallinka Kiinyaatiga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Kenneth, machadkii uu baraha ka ahaa ayaa isna lugu magacaaba Vision International,waxuuna ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

…””Macallinku waxaa uu horfadhiyey machadka hortiisa kursi ayaa u yaallay,waxaana soo ag istaagay labo nin oo dhallinyaro ah,waxayna qabeen koofiyado halmar ayey xabadda ku fureen,waxaa ay ku dileena bostoolado ,..””ayuu yiri mid ka mid ah ardeyda wax ka barata macadka uu wax ka dhigayey macallinka la dilay.

Meydka Kenneth ayaa la geeyey isitaalka GMC Dhaga-cadde oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment