03 03 2015
Headline

Wafti ka socda dowladda faderaalka oo ku sugan Taleex

asDegmada taarikhiga ah ee Taleex,waxaa booqdey wafti ka socda dowladda faderalka Soomaaliya,kuwaaso halkaaso lugu soo dhaweeyey.

Waftigaan dowladda ka socday waxaa ay dhammaantod ka koobnaayen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka faderaalka.

Xildhibaannada ayaa waxaa ay maanta gaaren Taleex,waxaana ay shalay ka dageen garoonka diyaaradaha cusub ee Buuhoodle kaaso muddo dheer uu dhisme ka socday.

Booqashada deegaannada ay xildhibaannadu ku tagen waxaa ku waheliyey Maxamuud Jaamac Yuusuf oo ka mid ah madaxda Khaatumo.

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ah waftiga,waxaa uu sheegay socdalkooda inuu la xiriiro u kur galida xaaladda deegaannada maadaama ay yihiin xildhibaannada ka yimaada gobollada.

Hadal uu isna bixiyey Maxamuud Jaamac Yuusuf oo ka mid ah madaxda Khaatumo,waxaa uu dhankiisa sheegay booqasho uu ku tagay magaalada Muqdisho inuu guul ku soo dhameystay.

Maxamuud Jaamac Yuusuf,waxaa uu inta ku daray inuu Muqdisho kula soo shiray madaxda sare ee dowladda faderaalka oo u tilmaamay inuu kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen maamulkiisa.

_____

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment