02 27 2015
Headline

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Nugaal: haduu Qarjab tagay Bumbaa yimi.

asGudoomiyaha Cusub ee Gobolka Nugaal oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdi Qani Xaashi Cali Bumbe ayaa Munaasabadii xilwareejinta ka sheegay in hadii Qarjab tagay loona xiiso qabo siduu u shaqayn jiray haatan uu xilkaa la wareegay Bumbe isagana looga dambayn doono Shaqada Gobolka ka socota.

“waxaan rabaa wax yar ookaftan ah inaan ku darsadee hadii Qarjab uu tagay taladana uu kala goyn jiray hada waxaa yimi Bumbe waajibkiisa ayuuna gudan doonaa, waxaan balan qaadayaa shaqo hufnaan iyo dadaal dheeri ah laakiin waa in aad ila shaqaysaan sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha cusub..

Bumbe wuxuu hay’adaha ka shaqeeya Gobolka ku wargeliyay in maamulkiisa ay hoos yimaadaan uuna ka dhexeeyo isla xisaabtan Hay’adii ka meer meerta la shaqaynta Gobolkana Go’aan cad laga qaadan doono.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment