03 06 2015
Headline

Dowladda Maraykanka oo soo dhoweeysay heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland

259x194xcalanka-maraykanka2.png.pagespeed.ic.nM5sxdMTJRDowladda Mareykanka ayaa si diiran u soo dhoweysay heshiiskiiay ay  gaareen maalinimadii shalay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka ka arimiya goboladda jubbooyinka iyo Gedo.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan wadanka Soomaaliya James P. McAnulty ayaa  soo saaray war qoraal ah, wuxuuna si diiran u soo dhaweeyay heshiiskii ay kala saxeexdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka jubbaland,

Ergayga ayaa sheegay in ay ammaan mudan yihiin wufuuda labada dhinac uga qayb gashay wada hadaladii ay ku yeesheen magaalada Addis Aaba ee wadanka Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in ay horumar wayn ka gaareen wada hadaladaas.

Jemes ayaa tilmaamay in ay dowladda Mareykanka sii wadi doonto taageeradii ay siin jirtay dowladda federaalka Soomaaliya ayna maamulka KMG ah ee Jubbaland ka taageeri doonto sidii ay xal kama dambays ah uga gaari lahaayeed arimaha jubbooyinka iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe ee  Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in ay hirgeliyaan heshiiskii ay gaareen labada dhinac si loo helo xal waara oo ka dhaqan galay gobolada Jubbooyinka.

Jemes ayaan dhanka kale amaanay doorka muuqda oo ay ka qaadatay dowlada dalka Itoobiya taasi oo marti gelisay wada hadaladii guusha ku soo dhamaaday.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment