Kulanka Wasiiradda arrimaha dibadda IGAD iyo waxa looga hadlay
Kulanka wasiiradda arrimaha dibadda IGAD oo ka dhacay Adis ababa waxaa ka qeyb galay wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Somaaliya, Kenya, Ethopia iyo kuwa kale.
Agendaha shirka looga hadlayay ayaa ahaa Seddex Qodob oo aad u Muhiisan,islamarkaana kala ah Xaalada Siyaasadeed ee iminka ka taagan dalka Soomaaliya,Tixgilinta ajandayaasha Muhiimka ah ee ka dhaxeeya Madaxda gobolada iyo dowladaha Urur Goboleedka IGAD,iyo qeyb ka mid ah qaadida Qaramada Midoobay Cunaqabateynta hubka ah ee Saaran Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa Mid xasaasi ah ayaa ugu horeyn waxaa hadal Kooban oo Nuxurkiisa u badnaa arimaha Soomaaliya jeediyay Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia ahna Madaxa shir gudoonka,isagoona ka sheekeeyay Xalaada Soomaaliya iyo marxaladaha iminka la marayo.
Wuxuu sheegay Tedros Adhanom,in hormar Nabadeed laga gaaray Xaalada Soomaaliya,isagoo dhan kale tilmaamay in kaliya haatan Soomaaliya ay u baahan tahay Caawinaad Beesha caalamka ka timaada oo aan look ala harin.
Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay danjire Mahboob Maaalim,isagoona soo hadal qaaday Kulankii dhawaan Magaalada Gorowe ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mamulka Puntland C/raxman Maxamed Maxamuud Faroole,wuxuuna ku tilmaamay mid guul ah,Soomaalida u horseedeysa dhaqan gelinta Nidaamka Federaaliga ah ee Soomaaliya,isagoona dhaleeceeyay Weeradada Shabab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn arrimaha kale ee lagu soo hadal qaaday Shirka IGAD waxaa ka mid ahaa kordhinta dagaalka ka dhanka Al Shabaab si looga guulaysto.