03 05 2015
Headline

Ra,iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo talo u jeediyay Dowlada Soomaaliya,

17889Ra’isul wasaarihii hore ee dowlada KMG Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahanyahay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaarihiisa Cabdiwali Sheekh Axmed inay aka shaqeeyaan sidii la isugu xiri lahaa dowlada iyo maamul gobaleedyada ka jira gobalada dalka Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi ayaa tilmaamay in dowlada uu hogaamiyo madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud ay wax ka baran karto halkii sano oo ay jirtay oo uu sheegay in xiriirka dowlada iyo maamul Gobaleedyada dalka uusan ahayn mid wanaagsan.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowlada KMG Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sido kale Rajo wanaagsan ka muujiyay soo noqoshada xirrika Maamul goboleedyada Dalka ka jira iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoona so dhaweyay isbedelka Cusub ee ku dhacay Maamulka Puntland.

What Next?

Recent Articles

One Response to "Ra,iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo talo u jeediyay Dowlada Soomaaliya,"

  1. Abdi says:

    Cali waa relawasaarihii ee somaliya wuxuu. khibrad fiican leh, wax weyna soo qabtay intii uu talada hayay waa ninkii keenaya inay Dowlada inoo jirta maanta.wuxuu istahilaa in uu noqdo Madaxweynaha Somaliya. uu inoo bedelo kan hada Madaxweynaha ah xasan aqoon yare.Waan ku hagaagsanyahay in uu talo u soo jeedo sababtoo ah wuxuu ka naxsanyahay Masiirka Somaliya uu farah u galay dad aan ehel u ahayn.

Leave a Reply

Submit Comment