Bahda sport ga Waqooyiga London oo u dabaaldegay koobkii cayaartoyda cuslaatay ee Finland.
Waqooyiga magaalada London ayaa waxaa ka dhacday xaflad loogu dabaaldegayey koobkii cayaartoyda cuslaatay oo ay kooxdii ka socotay waqooyiga London ka soo qaaday dalka Finland.
Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen dad magac iyo maamuus ku leh bahwaynta sport ga ee magaaladan London iyo tira badan oo ka mid ah cayaartoydii cuslaatay ayaa waxaa hadalo kala gedisan ka soo jeediyey odayaashaasi iyo qaar ka mid ah cayaartoydii xulkii qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed.
Eng Maxamed Jimcaale, Eng Axmed Ciise Kirish, Axmed Bile, C/Qaadir Mooge, Axmed Tigana iyo wakiilka XSKC ee dhinaca farsamada qaaraddan Yurub C/Rashiid Islow oo dhamaantood ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay cayaaraha Finland ayaa amaan aan la soo koobi Karin u soo jeediyey bahwaynta sport ga ee dalka Finland oo ay ku amaaneen sidii walaaltinimada iyo sport jacaylka ahayd ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Helisink isla markaana u daryeeleen mudadii ay ku sugnaayeen halkaasi waxayna ku dhiirigeliyeen bahwaynta London in ay ku daydaan reer Finland isla markaana abuuraan jawi isku duubni iyo wadajir.Dhinaca kale odayaasha sport ga ee ayaguna goobjooga ka ahaa casho sharaftan iyo qaar ka mid ah cayaartoydii hore oo ayaguna ka hadlay halkaasi ayaa dhinacooda tibaaxay muhiimadda uu sport gu u leeyahay bulshada yar iyo waynba loona baahan yahay in la kordhiyo hawlaha sport ayadoo ahmiyadda ugu horeysana la siinayo caruurta yaryar ka dibna odayaasha cuslaaday oo ayagu laftoodu u baahan in ay joogteeyaan ka qaybgalka tartamada.