03 03 2015
Headline

Baarlamaanka Soomaaliya oo shaki ka muujiyay dilka xildhibaan Faysal

Xildhibaan Faysal oo Muqdisho maant lugu aasay MuqdishoMagaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay allaha u naxariistee marxuum Maxamed Warsame Faysal oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ku geeriyooday qarax shalay lagula eegtay agagaarka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb galay ku-simaha raysalwasaaraha, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka, xildhibaano iyo qaar ka mida dadweynaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu aasay maydka xildhibaanka cisbitaalka Madiina.

R/wasaare Cabdi Farax Shirdoon Saacid oo goobta aaska ka hadlay ayaa tacsiyayn ka dib sheegay in sharciga la horkeeni doono ciddii ka danbaysay dilkaasi.

Dhanka kale xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ayaa shaki ka muujiyay cidda ka danbaysay dilkaasi, waxaana qaarkood  ay sheegeen inay noqon karto mu’amarad siyaasadaysan maadaamaa dhawaan la galay xiisad siyaasadeed.

Xildhibaan C/qafaar Maxamed Oomaar oo ka mida xildhibaanadii ay aadka isugu dhawaayeen fikir ahaan guddiyo dhawr ahna ay ka soo wada shaqeeyeen ayaa tilmaamay inkastoo uu ka digtoonyahay ka hadlidda arintaasi in xildhibaanka ama shaqsiga ay dilaan xooggaga dawladda ka soo horjeeda ay isla markiiba saxaafadda ka qiran jireen hase ahaatee haatan wali aan dhankooda laga hayn, taasina ay u astaan ekaysiin karto waji kale oo aan siyaasad ka marnayn.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment