03 02 2015
Headline

Carlo Ancelotti: Waxa Khilaaf Ah Uma Dhaxeeyo Ramos Iyo Florentino

carloMacalinka kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti  ayaa xaqiijiyay in aysan wax dhibaato aysan u dhaxayn xidiga daafaca ka ciyaara ee Sergio Ramos iyo madaxa kooxda Real Madrid

Ramos ayaa maalmihii ugu dambeeyay xiriirka kala dhaxeeyay madaxweynaha  kooxda Real Madrid Florentino Perez  ayaa aad u xumaa

Laakin macalinka kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti   ayaa taasi meesha ka saaray isagoona sheegay in xiriirka u dhaxeeyay Sergio Ramos iyo Florentino Perez   in uu yahay mid aad u wanaagsan

Saxaafada dalka Spain ayaa maalmihii ugu dameeyay shaacinaysay in dagaal uu u dhaxeeyo madaxa kooxda Real Madrid Florentino Perez  iyo Sergio Ramos

“Dhamaan ciyaaryahanada ka tirsan kooxda Real Madrid xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay madaxa kooxda ayuu hadalkiisa uu ku daray macalinka kooxda Real Madrid Carlo Ancelott

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment