03 06 2015
Headline

R/ wasaaraha Soomaaliya C/ faarax Shiirdoon Saacid oo xalay la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

ffsRaysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid oo la kulmay dhigiisa  dalka Turkiga ayaa  uga mahad celiyay madaxda iyo Shacabka dalka Turkiga sida walaaltinimadu ku jirto oo ay u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed.

Wuxuuna tilmaamay R/wasaare Saacid in markii uu Turkigu imaanayay dalka Soomaaliya ay ka jirtay abaar baahsan oo saamaysay dhammaam Shacabka Soomaaliyeed ayna markaas Soomaaliya u baahnaayeen kaalmada Aduunka Turkigune uu ahaa dalkii ugu horeeyey ee taageero hagar la’aaneed siiyey shacabka Soomaaliyeed.

Raysul wasaare Saacid ayaa intaa ku daray in xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid walaaltinimo  oo soo jireen ah uuna dalka Soomaaliya Ahmiyad gaara u leeyahay xiriirka sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya labada dal,wuxuuna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay iska kaashadaan labada wadan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dhaqaalaha, caafimaadka iyo siyaasada.

Raysul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa dhinaca kale  soo hadal qaaday horumarka ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya intii ay jirtay wuxuuna sheegay in ay ku guulaysteen hirgelinta arimo badan oo muhiim u ah dowladda, wuxuuna xusay in ay kor u qaadeen  xiriirka ay la leeyihiin Caalamka intiisa kale.

Raysul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa isna dhankiisa ka hadlay halka ay marinayaan mashaariicda hormarineed oo ay ka wadaan dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay R/ wasaaraha Turkiga in  dhalinyarada Soomaaliyeed ay u  abuureen shaqooyin ayna dib u soo celsheen Rajada dad badan oo soomaaliyeed.

R/ wasaaraha dalka turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay hadda ka wadaan gudaha magaalada Mqdisho ee caasimada Soomaaliya mashaariic kala duwan oo dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho wuxuuna tilmaamay iney ku rajjo wayn yihiin in ay dib usoo celiyaan bilicdii ay lahayd magaalda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa xiliyadii lasoo dhaafay waxay dalka Soomaaliya ka waday Mashaariic hormarineed iyo taageero ay siinayso dowladda federaalka Soomaaliya.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment