03 02 2015
Headline

Khudbadii Obama iyo xoogaga daneenayey duulaanka Siiriya

Barack Obama addresses the nation on SyriaMadaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo xalay (Talaada) Shacabka Maraykanka si toos ah ugala hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey qorshihiisa ku aadan dagaalka ka socda dalka Siiriya.

Obama ayaa ka waramay dagaalka sokeeye ee ka socda Siiriya inuu gaaray heerkii ugu xumaa kadib markii ciidamada dowlada Bilaabeen adeegsiga hubka Kimikalka dhamaadkii bishii Agoosto, isagoo sheegay in caalamka aysan eegan karin xasuuqa noocaas ah.

Obama oo ka hadlay sharuucda horey caalamka u dhigtay ee ah inaan dib danbe loo isticmaalin hubka Kimikalka wixii ka danbeeyey dagaalkii 1aad ee Adduunka, ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in tilaabo militari laga qaado xukuumada Siiriya si aysan usii wadin xasuuqa noocaan ah.

Barack Obama ayaa sheegay in qorshihiisa uusan marnaba ahayn in ciidamo ka socda Maraykanka ay galaan gudaha Siiriya, ama hawlgalka Militari uu noqdo mid lamid ah kuwii Maraykanka ee dalalka Afghaanistaan, Ciraaq iyo waliba Liibiya, balse qorshaha ku aadan Siiriya uu noqon doono duqeymo kooban oo lala beegsanayo awooda militari iyo hubka halista ah ee gacanta ugu jira Bashar Al Assad.

Obama ayaa sheegay inuu ka codsaday in dib loo dhigo codkii Baarlamaanka Maraykanka (Kongareska) u qaadi lahaa hawlgalka xukuumadiisa damacsan tahay, isagoo sheegay inuu fursad siin doono in xal siyaasadeed laga gaaro arrimaha Siiriya, kadib dadaalka ay bilowday xukuumada Ruushka ee xulafada la ah Siiriya.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in hadii hubka Kimikalka ay dowlada Siiriya si nabad ah kusoo wareejineyso ay arrintaasi meesha ka saari karto adeegsiga awooda militari. Obama ayaa intaasi raaciyey debecsanaanta dowlada Siiriya ay hada muujineyso ay sabab u tahay hanjabaada hawlgalka Militari ee Maraykanka.

Khudbadan ayaa ahayd mid lagu doonayey in lagu qanciyo shacabka Maraykanka oo intiisa badan kasoo horjeeda hawlgal militari oo uu Maraykanka markale ka qeyb qaato kadib khasaarihii Maraykanka ka raacay dagaaladii Afghaanistaan iyo Ciraaq.

Obama ayaa sidoo kale waayey inta badan codka xildhibaanada Kongareeska oo qorshihiisa kasoo horjeeda, isla markaana ay fursad siyaasadeed u tahay inuu xiligan dib u dhigo xiligii loo balansanaa in Baarlamaanka codka u qaado qorshaha militari ee Xukuumadiisa.

Isra’iil & IPAC

Dhinaca kale dowlada Isra’iil iyo kooxda Yuhuda ah ee u ololeeya ee IPAC ayaa maalmihi lasoo dhaafay si weyn olole uga waday Baarlamaanka Marakanka in duulaan militari lagu qaado siiriya, Israa’iil ayaa ka cabsi qabta in hubka kimikalka ee Siiriya uu gacanta u galo kooxaha ka tirsan ururka Al Qacida ee la dagaalamaya Bashaar Al Assad.

Obama ayaa doodiisa ku daray in hubka kimikalka uu sidoo kale khatar ku yahay amaanka wadamada jaarka la ah Siiriya sida Isra’iil oo xulafada la ah Maraykanka.

Isra’iil ayaa sidoo kale dooneysay hawlgalka militari inuu digniin u noqdo dalka Iran oo isagu hada wada barnaamijkiisa Nukliyerka. Waxaana muuqata in Isra’iil iyo IPAC ay iyaguna taageero ka waayeen Baarlamaanka Maraykanka ee Kongareeska oo uu heysto cadaadiska shacabka Maraykanka oo xiligan diyaar u ahayn hawlgal kale oo militari.

Al Qacida

Inkastoo inta badan mucaaridka hubeysan ee Siiriya soo dhaweenayeen in reer Galbeedka tilaabo ka qaado Xukuumada Bashaar Al Assad ayaa hadana Kooxaha hoostaga Al Qacida ee ku sugan Siiriya ay horey u sheegay inaysan dooneyn wax farogelin ah oo Reer Galbeedka ku sameeyaan dalka Siiriya, iyagoo sheegay in awoodooda ay sii xoogeysatay tan iyo intuu bilowday dagaalka ka socda Siiriya.

Jabhada Al Nusra iyo kooxaha kale ee xulafada la ah ayaa sheegay in Maraykanka uu wato qorshe hoose oo ah inuu marka uu duqeenayo Bashar Al Assad xarumihiisa isla markaana uu uga faa’iideysto duqeynta sidoo kale xarumaha kooxaha taabacsan Al Qacida ee dalkaasi Siiriya.

What Next?

Recent Articles

Leave a Reply

Submit Comment