DEG DEG: MAXKAMADA SARE EE KENYA OO GO’AAN KA GAARTAY DOORASHADA
Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa ayiday guushii uu ka gaaray Uhuru Kenyatta doorashadii ka dhacday dalka Kenya.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Willy Mutunga ayaa ku dhowaaqay go’aanka ay gaartay maxkamada isagoo sheegay in ay doorashada noqotay mid si xalaal ah ku dhacday.
Raila Odinga ayaa racfaan ka qaatay go’aankii doorashadii bishaan ka dhacday dalka Kenya. Natiijada rasmiga ah ayaa lagu sheegay in Mr Kenyatta uu ugaga guuleystay Mr Odinga 50.07% halka uu ka helay 43.28%, waxana uu si dirqi ah ugaga badbaaday Kenyatta in markale lagu celiyo tartanka.
Ammaanka maxkamada ayaa la adkeeyay xilligii lagu dhowaaqayay go’aanka maxkamada. Doorashadii madaxtinimada, sharci dejinta iyo tan dowladaha Hoose ayaa ahayd tii ugu horeysay ee ka dhacda dalka Kenya tan iyo sanadkii 2007dii.
Mr Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa bilowga bisha soo socota loo dhaarin doonaa madaxtinimada dalka Kenya.
laakiin labadan mas’uul ayaa waxaa doonaya maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC iyagoo lagu eedeynayo in ay sii shideen rabshadihii ka dhacay dalka Kenya, hase ahaate waa ay beeniyeen labadaba eedeynta loo soo jeediyay.