Dowlada Soomaaliya oo hubkii ugu horeeyay helaysa iyo Xasan Sh Maxamuud oo walwalsan
Dhawaan QM ayaa xafiifisay cunaqabatayntii dhinaca hubka ee Soomaaliya iyadoo qeyb ahaan la qaaday kadib kulan ka dhacay xarunta QM ee New York.
Waxaa jira warar sheegaya in dowlado badan ay bilaabeen in Soomaaliya ay keenaan hub badan kaas oo au ku taageerayaan dowlada Soomaaliya.
Waraysi uu bixiyay Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay dowladdiisa ay sida ugu dhaqsiyaha badan rajeyneyso in ay hesho hubkii ugu horreeyay kaddib markii uu dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaaday cunnaqabateyntii hubka ee dalka saarneyd.
Mudo labo bil gudahood ah ayuu sheegay inay ku heli doonaan hub badan taas oo ka qeyb qaadan doonta soo celinta nabada Soomaaliya sida uu hadalka udhigay.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ogyahay walaaca uu caalamku ka qabo in hub la siiyo dal dhibaato ku jiray muddo dheer iyo in ay dunida daawaneyso sida ay dowladdiisa u maareyso hubka.
“Waxaan qaadnay mas’uuliyad buuxda, adduunyadu way ina daawaneysaa, wayna na dabagaleysaa” ayuu yiri madaxweynaha oo dhowaan ka qeybgalay shirkii Jaamacadda Carabta ee magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
“Kama walwalsanin helitaanka hubka, waxaan ka walaacsannahay sida loo maareyn karo’’ ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax macno badan sameynaya ku tilmaamay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan ka soo baxay ee Soomaaliya ugu oggolaanayay in ay soo iibsan karto hubka yar yar.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in ay dowladdiisu u baahan tahay lacag gaareysa 450 milyan oo doollar oo lagu maalgeliyo mashaariic yar yar oo lagu horumarinayo 72 degmo ee dalka oo dhan ah, si ay gacan uga geysato soo kabashada dhaqaalaha iyo in uu dalku ka gudbo ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo.
Dowlada dalka Masar ayaa la sheegay in dhawaan ay hub keeni doonto gudaha magaalada Muqdisho halka dalal kale oo Soomaaliya saaxiib la’ahna ay sidoo kale hub keeni doonaan.