Allgalad

DHAGAYSO: Gudiga Shirka Kismaayo: Xasan Sh Qabiil ahaan ayuu udiidan yahay Maamul usamaynta J/Land
Shirka ka soconaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa bilihii ugu danbeeyay soo food saaren caqabado dhinacyo badan kaga imaanaya, kadib ansixintii Dastuurka Maamulka Jubbaland iyo Saaritaankii Calanka Maamulkaasi.

RIIX HALKAN SI AAD UDHAGAYSATO WARAYSIGA GUDIGA

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta gacanta ku haya Shirka Kismaayo ayaa qaba Caqabadaha ugu way nee shirkaasi soo food saaray in ay kamid tahay dowladda Soomaaliya oo doonaysa shirku in uu fashil isla markaana loogu danbeeyo arimaha maamul u samaynta gobolada dalka.

Dowladda ayaa qabta hadii uu dhismo Maamulka Jubbaland iyadoo ayadoon wax awood ah ku lahayn arintaasi sababi karto deegaanada kale ee gobolada dalku in ay ka tashadaan dowladda isla markaana ay samaystaan Maamulo iyaga u gaar ah.

Dowladda oo arimaasi ka duulaysa ayaa la sheegayaa in ay isku dayayso sidii ay u kala fur furi lahayd cid walba oo samayn kuleh shirka Kismaayo, sida Odayaasha oo iminkaba sida muuqata qaar kamid ah ay shirka kasoo horjeesteen.

Sheekh Maxamed Daa’uud Codwayne oo kamid ah Gudiga Farsamada Shirka Maamul u samaynta deeganada Jubbooyinka  ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay kaalinteeda inay ka qaadato shirka.

Wuxuu sheegay baaqyo badan oo isdaba joog ah in ay u direen dowladda laakiin baaq yadaasi aan dhag jalaq loo siin.

Mar uu hadlayay ayuu sheegay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud arintaasi in uu ka leeyahay dano gaar ah oo huwan mid qabiil iyo mid siyaasadeed.

DHAGAYSO: Shirkii IGAD ee looga hadlayay xaalada Soomaaliya oo Qodobo Xasaasi ah laga soo saaray
Waxaa Maanta Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia kulan ku yeeshay Madaxda wadamada urur goboleedka IGAD, Waxaana kulankaasi kasoo qayb galay wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

RIIX HALKAN SI AAD UDHAGAYSATO QODOBADA SHIRKA KASOO BAXAY

Madaxwaynayaasha Somalia, R,W,Ethiopia, Madaxwaynaha Kenya, Madaxwaynaha South Sudan, ayaa khudbad ka jeediyay, waxaana inta badan kulanka looga hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Maamul u samynta gobolada dalka.

La taliyaha Madaxwaynaha Soomaaliya Eng C/rixmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo la hadlay Idaacadda VOA isagoo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay kulankii maanta intiisa badan in lagu falan qeeyay arimaah Jubbooyinka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Addis Ababa mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo uu ka mid yahay Ra’isulwasaaraha Dalka Ethiopia Hayle Mariam Disale oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Qarax xoogan oo goordhow lala beegsaday Ciidamada Puntland ee kusugan Magaalada Gaalkacyo
Wararaka nagasoo gaaraya Xaafada Ex Garsoor ee Waqooyiga magaalada gaalkcyo ayaa shegaya in Caawa halkaas Ciidamo ku sugan oo Puntland Katirsan Lagu Tuuray Bom Gacmeed Boomkan ayaan Lagaranayn waxa soo Tuuray Iyo meesha lagasoo Tuuray

Bom Gacmaeedka ayaa Lagu Tuuray Meel ku dhow Warshad galay Walina Warar faah faahsan lagama hayo Balse Ciidamadan ayaa Furay Rasaas aad U Badan Taas Oo khal khal galisay Dadka degaankaas ku sugan Waxaan Jirin Khasaaro so gaaray Dadka Ku nool Xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada gaalkcyo Iyo Ciidamada lala Egtay

Xaafada Ex garsoor ayaa Caawa waxaa kasocda Howl gal Balaaran Oo lagu Raadinayo Cidii kadambaysay Walina Waxaa Dadku Ay maqlayaan Rasaas Xoogan Majirto ilaa Hada dhaq dhaqaa kajira Xafadaas

Werarakan ayaa waxaa loga shakisanyahay Kooxda al shabaab Ooiyadu dhawaan so Dirtay Hanjabaad Kulul Taas Oo ay shegeen Inay werari doonaan Ciidamada Maamulka Puntland Kadib Markii 13 Qof Oo al Shabaab Katirsan Lagu Toogtay Duleedka magaalaada Boosaaso

DHAGAYSO: Maxaa ka jira in ciidamadii Gedo ka tagay lagu biiriyay ciidamada Raaskambooni
Coll Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah saraakiisha dowladda ee ka howlgala Gobolada Jubbooyinka oo goordhow Xiriir lasoo sameeyay Warqabadka Warbaahinta  ayaa si kulul u beeniyay Wararka sheegaya Ciidamadda dowladda ee ku sugan Magaalada Kismaayo in lagu wareejiyay Ururka Raaskambooni isla markaana ay hoos tagi doonaan.

RIIX HALKAN SI AAD WARAYSIGA UDHAGAYSATO

Warfaa ayaa gaashaanka u daruuray hadalkaasi, isagoona tibaaxay warkaasi in uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn isla markaana ay warbaahinta soo gaarsiiyeen dad huwan Cadiifad Qabiil iyo arimo Siyaasadeed.

Wuxuu sheegay Coll Warfaa Ciidamadda dowladdu in ay ku suganyihiin deeganadoodii isla markaana aysan jirin cid kala waregtay goobihii ay daganaayeen ama isbadal lagu sameeyay hogaanka sare ee Ciidamadaasi.

Dhinaca kale wuxuu eedaymo u jeediyay Saraakiisha hogaamisa Ciidamadda Dowladda ee horay ugu sugnaa Jubbooyinka, wuxuna hoosta ka xariiqay ragaasi in ay yihiin kuwa huwan shaati Qabiil iyo mid Jabhadeed waa sida uu hadalka u dhigee.

Ugu danbeyntii Coll Warfaa ayaa ku baaqay in Carqalada laga dhex wada dadka deegaanka laga dhaafo isla markaana aan la hurin Colaad.

Waxaa suuqa soo galay saacadihii ugu danbeeyay warar sheegaya Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Kismaayo in la hoos geeyay Ururka Raaskambooni.

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maanta war kasoo saaray Shirka London
Maamulka Puntland Oo Maanta Warsaxafadeed kaso Saaray Mowqafkeeda kaga aadan shirka Bishan May Kafurmaya magaalada London ee Dalka UK

War saxaafadeed ka soo baxay Puntland maanta 03 May,2013 ayaa lagu shaaciyey arintan ,waxana lagu sheegey in Puntland diyaar u tahay ka qaybgalka dib u dhiska dalka iyo xasilooni in dib loogu soo dabaalo.

”Puntland waxay ka qayb qaadatay nabada Somalia ,waxana horumuud ay ka ahayd la-dagaalnka argagixisada ,burcad badeeda iyo xagjirnimada Somalia” ayaa lagu sheegey qoraalka.

Sanado ayay sheegtey Puntland in goobaha iyo shirarka caalamiga ah ee la iskugu yimaado ka muujisey welwelkeeda ku aadan qaabka loo qaybiyo mucaawinada Somalia ay ka hesho beesha caalamka,waxana shirka London ay ka fileysaa inuu qaab cusub oo guud ahaan Beesha caalamku uga qayb qaadato Somalia ka soo baxo ,iyadoo la tixgelinayo duruufaha jira iyo xaqa Puntland ay leedahay oo ku qeexan Dastuurka DF Somalia.

Puntland ayaa ugu baaqey Britain inay eegto xaqaa’iqda Somalia ka jirta iyo baahida loo qabo dhismaha maamul goboleedyo sida ku xusan dastuurka,waxana ay welwel ka muujisey wax ka badalka dastuurka DF oo la ansixiyey.

”Puntland waxay ugu yeereysa madaxweynaha DF Somalia ,oo ah ilaaliyaha dastuurka ,Gudoomiyaha Barlamanka iyo ergayga UN u qaabilsan Somalia inay furaan baaritaan balaaran oo deg deg ah kaasi oo fasiraad ka siinayaan dadweynaha Soomaliyeed Dastuurka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland ka soo baxay.

Booqashadii Xasan Shiikh Maxamuud ee Puntland iyo waxyaabihi ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa qayb ka ahayd warka ka soo baxay Puntland oo sheegtey inay jirin cid casuntey shirka London islamarkaasina aysan u diri doonin Britan wafdi ka socda.

Wasaaradda Warfaafinta xustay maalinta saxaafadda aduunka kana hadashay xadgudubyada Saxafiga
Xaflad lagu xusayay maalinta Saxaafadda aduunka oo ay ka qeyb galeen Saxafiyiin, wasaaradda Warfaafinta, Gudiga barlamanka ee Warfaafinta iyo quburo dhinaca Saxaafadda ayaa ka dhacday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/shakuur Cali Mirre oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay sheegay in Xukuumadda soomaaliya ay talaabo ka qaadi doonto kuwa caadaystay dilalka Wariyayaasha.

Waxa uu sheegay inay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan dadkii ka dambeeyay dilalka Wariyayaasha sida ay horay Xukuumadda u sheegtayna ay qarash ku dhiibayaan qofkii soo sheegaa dilka Wariye ama kiis la xiriira.

Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta barlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ku dhaliilay dowladda in dilalka Wariyayaal badan aysan waxba ka qaban sidaasi awgeedna laga doonayo inay arrimahaasi wax ka qabato

Mareykanka oo soo jeediyay in baaris lagu sameeyo dilalka Wariyayaasha
Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dadweynaha ee dalka Mareykanka Tara D. Sonenshine oo xuska maalinta madax-bannaanida warbaahinta dunida ee 3-da May shir jaraa’id ka qabatay ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dadka ka dambeeya dilalka iyo dhibaateynta wariyaasha Soomaaliyeed la hor keeno caddaaladda.

Sonenshine ayaa sheegtay in  dowladda Mareykanka ay si weyn uga xun tahay dilalka joogtada ah ee loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed, waxayna tilmaamtay in wax laga xumaado ay tahay in wariyaasha Soomaaliyeed oo xaalad adag ku shaqeynayo la bar-tilmaameedsado.

Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dadweynaha ee dowladda Mareykanka ayaa xustay inay waajib tahay in dowladaha lagula xisaabtamo marka dambiyo qatar ah lagula kaco wariyaasha, waxayna sheegtay in marka wariye la waxyeeleeyo ay horseedeyso in la waayo in si xor ah oo caddaalad ah ay wariyaasha wax u tabiyaan.

Tara Sonenshine ayaa sheegtay in wariyaasha Soomaaliyeed aysan fursad u heli karin in ay baaritaan ku sameeyaan musuqmaasuqa iyo xad-gudubyada kale ee dalka ka dhaca, sidaas darteedna loo baahan yahay in la ilaaliyo ammaanka wariyaasha Soomaaliyeed.

Xuska maalinta madax-bannaanida warbaahinta dunida ee 3-da May ayaa ku soo beegantay xilli aad xasaasi ugu ah wariyaasha Soomaaliyeed, iyadoo sanadkii hore la dilay 18 wariye halka sanadkaan tirada wariyaasha la dilay ay mareyso lix wariye.

Kulanka Wasiiradda arrimaha dibadda IGAD iyo waxa looga hadlay
Kulanka wasiiradda arrimaha dibadda IGAD oo ka dhacay Adis ababa waxaa ka qeyb galay wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Somaaliya, Kenya, Ethopia iyo kuwa kale.

Agendaha shirka  looga hadlayay ayaa ahaa Seddex Qodob oo aad u Muhiisan,islamarkaana kala ah Xaalada Siyaasadeed ee iminka ka taagan dalka Soomaaliya,Tixgilinta ajandayaasha Muhiimka ah ee ka dhaxeeya Madaxda gobolada iyo dowladaha Urur Goboleedka IGAD,iyo qeyb ka mid ah qaadida Qaramada Midoobay Cunaqabateynta hubka ah ee Saaran Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa Mid xasaasi ah ayaa ugu horeyn waxaa hadal Kooban oo Nuxurkiisa u badnaa arimaha Soomaaliya jeediyay Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia ahna Madaxa shir gudoonka,isagoona ka sheekeeyay Xalaada Soomaaliya iyo marxaladaha iminka la marayo.

Wuxuu sheegay Tedros Adhanom,in hormar Nabadeed laga gaaray Xaalada Soomaaliya,isagoo dhan kale tilmaamay in kaliya haatan Soomaaliya ay u baahan tahay Caawinaad Beesha caalamka ka timaada oo aan look ala harin.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay danjire Mahboob Maaalim,isagoona soo hadal qaaday Kulankii dhawaan Magaalada Gorowe ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mamulka Puntland C/raxman Maxamed Maxamuud Faroole,wuxuuna ku tilmaamay mid guul ah,Soomaalida u horseedeysa dhaqan gelinta Nidaamka Federaaliga ah ee Soomaaliya,isagoona dhaleeceeyay Weeradada Shabab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn arrimaha kale ee lagu soo hadal qaaday Shirka IGAD waxaa ka mid ahaa kordhinta dagaalka ka dhanka Al Shabaab si looga guulaysto.

Maamulka Sh.dhexe oo sheegaya in uu la wareegayo Mahadaay iyo deegaano kale
Isaga oo ka hadlayay dhibaatooyinka dhinaca bini’aadanimo ee ka jira jowhar Sh/dhexe Gudoomiye ku xigeenka gobolka Yuusuf cabdi cabdule  ayaa waxa sheegay in dhawaan deegaanada shabaabku ay ka maamulaan gobolkaasi ay  kala wareegi doonaan .

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa ku amisom in ay qorsheynayaan  la wareegitaanka deegaanada gacantooda ka maqan ee gobola shabeelaha dhexe sida  degmada Mahadaay .

Sidoo kale wuxuu ka hadlay saameynta roobabkii ugu dambeeyay ee gobolka ka da’ay gaar ahaan magaalada jowhar waxaana uu sheegay in  gudi  ay u xilsaareen wax u qabashada dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii ugu dambeeyay iyo fatahaado wabiga shabeele oo deegaano gobolka ka tirsan uu ka sameeyay.

Dowladda ayaa ka haysta gobolka Sh.dhexe magaalooyinka Balcad iyo Jowhar halka deegaanada kale ay maamulaan Al Shabaab.

Midowga Yurub oo Cambaareeyey weerarada lala beegsado masuuliyiinta Garsoorka Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday iney aad uga xun yihiin falalka amni xumo ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaas oo lagu bartilmaameedsado dadka ka haqeeya garsoorka Soomaaliya oo uu ugu danbeeyey dilkii kooxo hubeysan ay u geysteen ku xigeenkii  garyaqaanka dowlada Axmed Maalin Sheekh Nuur.

Haweeneyda ururka midowga Yurub u qaabilsan siyaasada arimaha dibada Katrina Ashton ayaa sheegtay iney ka xun yihiin beegsiga lagu hayo dadka ka shaqeeya hay’ada garsoorka dalka Soomaaliya,waxayna si kulul u cambaareysa weerarada lagu qaadayo masuuliyiinta garsoorka Soomaaliya.

Katrina Ashton ayaa shaaca ka qaaday in midowga Yurub ay dajiyeen qorshayaal cusub oo ay gacan kaga geysanayaan soo celinta xasiloonida wadanka Soomaaliya iyo adkeynta amniga hay’adaha dowlada,waxayna ballan qaaday in midowga Yurub uu si buuxda u garab taaganaan doono dowlada Soomaaliyeed.

Ashton ayaa daboolka ka qaaday in weerarada fulaynimada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ineysan hakin doonin taageerada wadamada reer Yurub ay siinayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.